|

Maayarka cusub ee Hargeysa oo sababo Caafimaad isaga gudbay Jabuuti iyo Dubai, wararkii u dambeeyay ee xaaladdiisa iyo guux ka bilaabmay golaha Deegaanka

Hargeysa 5, Feb.2013 (SDN)- Maayarka cusub ee Hargeysa oo tan iyo todobaadkii hore daawayn caafimaad u jiifay cusbatal ku yaala Jabuuti, ayaa la sheegay in loo gudbiyay dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta.

Inkastoo aanu jirin war ka soo baxay dawladda Hoose ee Hargeysa oo arrintaa ku saabsani, haddana siday ilo xogogaal ahi u xaqiijiyeen shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, Maayarka cusub ee Hargeysa Eng. Yuusuf Warsame Siciid waxa Sabtidii todobaadkii hore la dhigay cusbatal ku yaala magaalada Jabuuti, ka dib markii lagala cararay magaalada Hargeysa.

Warku wuxuu intaa ku daray, in markii uu todobaad Jabuuti yaalay ay xaaladdiisa caafimaad u baahatay daawayn dheeraad ah, sidaa aawadeedna doraad loo duuliyay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carbeed.

Sida warku sheegay, ka hor intii aan todobaadkii hore loo qaadin Jabuuti, Maayar Yuusuf Warsame Siciid waxa la dhigay cusbatalka gaarka loo leeyahay ee Gargaar ee magaalada Hargeysa, halkaasoo lagaga rakibay haanta Naqasta ee lagu xidho dadka neefsigu ku adkaado, iyadoo ay taas sabab u ahayd markii ay iskugu biireen xanuun uu ka qabo uur-ku-jirta iyo Hargab xun oo ku dhacay.

Maayarku waxa uu 4-tii bishii January oo ahayd maalin ka hor markii uu xilka la wareegay uu ka soo laabtay socdaal caafimaad oo uu ku tegay Dubai.

Dhinaca kale, warar durba bilaabmay guux ku saabsan in xaaladda caafimaad ee Maayar Yuusuf Warsame Siciid aanay saamaxaynin xil-gudashada looga baahan yahay, taasoo ka dhex abuurantay golaha cusub ee Deegaanka Hargeysa.

Siday ilahaa xogogaalka ahi u sheegeen Qurbejoog.com, waxa jira xubno badan oo ka tirsan 25-ka goluhu ka kooban yahay iyo masuuliyiin kale oo dawladda dhexe ka tirsan, kuwaasoo u arka in xaaladdiisa caafimaad aanay maayarka u saamaxaynin qabashada shaqooyinka culus ee looga baahan yahay, maadaama isagoo haatan ku jira da’da todobaatanaadka ay xanuuno badanina la soo derseen. “Way nagu jiraan kuwo badan oo u arka in goluhu go’aan ka qaato, sababtoo ah maayarkayagu uma muuqdo mid sii shaqayn kara,” ayuu mid ka mid ah xubnaha cusub u sheegay shabakadda Somalidiasporanews.com. “Waananu u ducaynaynaa in Allaah caafimaad siiyo….Kollay haddii isbedel iman waayo, go’aan golaha ka yimaadaa waa khasab,” ayuu raaciyay.

 

Qurbejoog.com, Hargeysa

Comments are closed