|

Maraykanka Oo Muwaadiniintiisa Somaliland Ku Sugan Uga Digtay Khataro Amni Daro

Kenya Febr 5,2013 (SDN) Dawladda Maraykanka ayaa muwaadiniinteeda ku sugan Somaliland uga digtay inay ku dhex safraan gudaha Somaliland isla-markaana ka shaqeeyaan.

Safaarada Maraykanka ee Magaalada Nairobi ayaa qoraal ay goor  dhawayd soo saartay ku sheegtay inay heshay warar lagu kalsoon yahay oo sheegaya in dadka reer galbeedka oo ay ku jiraan kuwa Maraykanku ay ku soo fool leeyihiin weeraro aragagixiso oo ka imanaya kooxaha Xagjirka ah.

Waxay safaaradu Muwaadiniinteeda Maraykanka u soo jeedisay inay taxadar u yeeshaan xaalada amaan ee Somaliland isla-markaana la soc daan warbaahinta gudaha iyo ta dibada.

Waxa kale oo loogu baaqay Muwaadiniinta Maraykanka ee Somaliland ku sugan inay dhug u yeeshaan xaalada oo ay yeelaan waxa masuuliyiinta deegaanka ay ku nool yihiin u sheegaan oo kaliya.

HALKAN GUJI SI AAD U AKHRISATO QORAALKA SAFAARADA

http://nairobi.usembassy.gov/em-02012013.html

Comments are closed