|

C/fitaax Geesay guddoomiyihii gobolka Bay oo xilkii laga qaaday

Muqdisho Feb 05 2013 (SDN)– Dowladda Soomaaliya ay xilkii ka qaaday Gudoomiyihii gobolka Bay islamarkaana isbadal ku sameysay Maamulka gobolkaasi.

Digreeto uu ku saxiixnaa Kusimaha Madaxweynaha Soomaaliya Prof: Maxamed Sheekh Cusman Jawaari ayaa waxaa isbadal lagu sameeyay intabadan Maamulka gobolka Bay oo uu hogaaminayay C/fitaax Geesey.

Digreetada uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Barlamanka ahna kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliyah Prof Jawaari ayaa waxaa lagu cadeeyay in Guddoomiyaha gobolka Bay ee shariciga ah uu yahay Cabdi Aadan Hoosow islmarkaana uu badali doono C/fitaax geesey oo muddo halkaasi soo maamulayay.

Laakiin Digreetada uu ku saxiixnaa Prof: Jawaari ayaa waxaa ku cadeyd in aan waxbadan laga badalin maamulka Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay halkaasi oo ay ku sugan yihiin Ciidamo isugu jira Ethiopian, AMISOM iyo kuwa dowladda oo Al Shabaab kasaaray.

Inlabadlo maamulka gobolka ayaa waxaa la sheegay in loo cuskaday maamulka oo dhameystirneyn, waqtigiisa oo dhamaaday iyo dadka ku dhaqan gobolka Bay oo wafdigii gaaray dhawaan gobolka Bay ka codsaday in maamulkan aysan raali ka aheyn.

Dhawaan ayay aheyd markii Booqasho ay Baydhabo ku tageen Wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka kuwaasi oo soo qiimeyay xaalada gobolka iyadoo golaha wasiirada Soomaaliyana ay isku raaceen in maamulo kumeelgaar ah loo sameeyo gobolada Al Shabaab laga saaray.

SDN-Muqdisho 

Comments are closed