Farasiiska oo Duqeymo ka wada Woqooyiga Maali
Bamako Feb 05,2013(SDN)-Dayuuradaha dagaalka ee ciidamada wadanka faransiiska ayaa ayaa duqeeyey xarumo ay kooxaha falaadaha ay ku leeyihiin dhulka fog ee ku yaala dhinaca woqooyi ee wadankaasi Maali.
Wasiirka arimaha dibada ee Faransiiska ayaa sheegay weeraradani xaga cirka in looga gol leeyahay sidii loo jari lahaa wadooyin ka ay sahaydu usoo jmarto kooxaha mintidiinta ah ee ciidamasda Faransiisku ay ka saareen magaalooyinkii ku yaalay xagga woqooyi ee Maali, halkaasi oo kooxahaasi mintidinta ahi ay gacanta ku hayeen muddo toban bilood aheyd.
Laurent Fabius waxaa uu u sheegay raadiyaha caalamiga ah ee Faransiiska in aanay falaagadu awood u laheyn in ay sii joogaan muddo dheer , hadii aanay helin kaalmo cususb.
Qiyaas dhan ilaa soddon dayuuradood oo kuwa dagaalka ah ayuu Faransiisku u diray jiidaasi si Axadii iyadoo laga cabsi qabo in xoogagii falaagadu ay dib iskugu soo abaabulaan dhinaca dhulka buuraleyda ah.
Shidaalka iyo cuntada ayaa la sheegay in ay qiimahoodii uu cirka isku shareeray dhinaca woqooyi ee Maali kadib markii qaar ka mid ahaa dadkii ganacsatada ahaa ay halkaasi iskaga carareen.
SDN-Bamako
contact@somalidiasporanews.com