Madaxwayne Siilaanyo Oo Caawa Wasiir-Ku-Xigeeno Cusub U Magacaabay Wasaarradaha Ganacsiga Iyo Caddaalada.
Hargeysa 5 Feb 2013(qurbejoog) Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa Magacaabay laba Wasiir ku xigeen oo ay yeelan doonaan Wasaaradaha Caddaalada iyo Ganacsiga.
War-saxaafadeedka lagu shaaciyey xilalkan cusub ayaa u dhignaa sidan:
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1573/022013 ku magacaabay laba wasiir ku xigeen kuwaas oo uu u magacaabay wasaaradaha Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wasaaradda Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
1. In Mudane, Aden Diriye Cigaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Somaliland.
2. In Mudane, Nuur Cismaan Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.