Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wefdi Uu Hogaaminayo Oo 24 Saacadood Ee Soo Socda Usoo Ambaxaya Safar Dalka Ingiriiska
London 4Feb13(qurbejoog) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wefdi balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa la filaya in 24-ka saacadood ee soo socda uu safar ugu soo ambabaxo magaalo madaxda dalka ingiriiska ee London
Wefdiga madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan dawladda ingiriiska iyo dalal ku yaalla qaaradda yurub ay digniino ay soo saareen ku sheegeen in dadkoodu ka baxaan Somaliland sababo ammaan awgeed, taasi oo sidoo kalana ka cadhaysiisay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo
Lama garan karo in socdaalka madaxweynahu uu yahay mid isagu dalbaday iyo inuu yahay socdaal rasmi ah oo dawladda ingiriisku ku martiqaaday, waxaase ka socota xarunta madaxtooyada qabanqaabo aad u balaadhan
Kala Soco qurbejoog.com safarka madaxweyne Siilaanyo
Uk London