Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Awdal oo ka waramay waxqabadkii u suuro gal sannadkii tagay.
Boorama 04.Feb.(SDN) Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Awdal, Axmed CabdiRaxmaan Xassan,[Ilka-case,] ayaa Maanta Ka warbixiyay Hawlgaladii Ciidanka Booliska ee Gobolka Awdal ee Sanadkii Dhamaaday.
Taliyuhu waxa uu Sheegay in Sanadkii Tagey u Gudbiyeen Hay’adaha Garsoorka Kiisas, Isugu Jira Falal Dembiyeedyo Kala Duwan, Dacwado kala duwan oo la xidhiidhana Lagu Soo eedeeyey.
Dhanka Kale, Waxa uu Sheegey Taliyuhu,inay ka sameeyeen Qaybaha Magaalada Boorame Hawlgalo ay Kaga Hortagayaan Maandooriyayaasha La Soo Galinayo Gobolka.
Taliyuhu waxa uu intaasi ku daray In Gacanta Lagu Hayo Dhismaha Saldhig Booliis oo Cusub oo Laga Hirgalinayo Dhinaca Waqooyi ee Magaalada Boorame, Kaas oo Dawlada Hoose ee Degmada Boorame, ay Maalgalinayso isagoo Sheegay in Degmooyinka ay ka Mid yihiin Qulujeed, Bakki iyo Lughaya ay Ka hawlgalaan Ciidamo Booliis oo Isku Filan,Taliyuhu Waxa uu Xusay In Nabad Galyada Gobolku ay Aad u Wanaagsan tahay, isagoo U jeedeyey Bulshada Ku dhaqan Gobolka Awdal in ay kala Shaqeeyaan Ciidamada Amaanka Gudashada hawlahooda.
Boorama SDN.