Ganacsatada Kaalmaha Shiidaalka ee Berbera oo amaan u diray Xukuumada Somaliland.
Berbera.04Feb.(SDN) Ganacsatada Kaalmaha Shiidaalka ee Magaalada Berbera oo Shir Jaraa’id maanta ku qabtay Xaruntooda ayaa ku amaanay Xukuumada Somaliland Isbedelka Wayn ee ay ku samaysay Kaydka Haamaha Shiidaalka ee Magaalada Berbera kadib markii Sida ay Xuseen loo Madax banaaneeyay in Ganacsatadu ay dalka keenaan Shiiaalkii ay Kootada ku haysatay Shirkadii Total ee wakhti hore dalka laga saaray.
Sayid Axmed Xuseen oo ah Afhayeenka Kaalmaha Shiidaalka ee Magaalada Berbera oo Warfidiyeenada u Waramayay ayaa Sheegay inay Xukuumada ku hambalyaynayaan Sida wanaagsan ee ay u daryeeshay Haamaha Kaydka Shiidaalka ee Berbera,tan iyo intii ka soo Wareegtay markii dalka laga saaray Shirkadii Total ,Waxa uu Mas’uulkani intaas ku daray inay Wada Shaqayn Fiicani ka dhaxayso Maamulka dawlada ee Gacanta ku haya Haamaha Shiidaalka ee Berbera.
Sayid Axmed Xuseen waxaa kale oo uu Mahadnaq u diray Maareeyaha Kaydka Haamaha Shiidaalka ee Berbera oo uu Sheegay inuu Si Hufnaan iyo Xilkasnimo leh ula shaqeeyo isla markaana uu Xafiiskiisu mar walba u furan yahay.
Berbera SDN.