Golaha Guurtida oo Warbixin ka dhagaystay Gudi hoosaadka arrimaha Dibada.
Hargaysa3.Feb( SDN) .Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida Somaliland oo uu shir gudoominayey Gud/Xigeenka labaad ee Golahaasi waxay mudanayaashu warbixin ku saabsan siyaasadda Arimaha dibadda ka dhegaysteen guddi hoosaadada siyaasadda arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah. Iyo arimaha nabadgelyada iyo Difaaca
Xildhibaan Sahal iidle Dirir waxa oo ah gudoomiyaha guddi hoosaadka siyaasadda arimaha dibadda oo warbixinta ka hor jeediyey golaha ayaa sheegay in siyaasadda arimaha dibadda ee Somaliland ay mudooyinkan dambe noqotay mid aad looga hadal hayo shaarica dadweynaha Somaliland, waxana uu xusay in wadankani yahay mid ay shacabkiisu u hamuun qabaan aqoonsi caalami ah oo ay ka hesho beesha caalamka.
Warbixinta guddi hoosaadka siyaasadda arimaha dibadda ee Golaha guurtida Somaliland waxaa loogu soo jeediyey talooyin ay ka mid yihiin:
- · wasaaradda arimaha dibadda inay dardargeliso isla markaana kordhiso tayadooda xafiisyada ay Somaliland ku leedahay dalka dibadiisa.
- · In shacab iyo golayaalba la is dhinac taago qorshayaasha xukuumadda eek u taxaluqa siyasadda dibadda ee Somaliland.
- · In wadahadaladii u socday labada Dal Somaliland iyo Somalia la sii ambaqaado, goob kastana laga caddeeyo madaxbanaanidasomalialnd.
Geesta kalena Guddi hoosaadka arimaha nabadgelyada iyo difaaca ee Golaha guurtida ayaa golaha uga talo bixiyey durufaha nabadgelyo ee inagu xeeran, waxayna soo jeediyeen in la adkeeyo amniga xuduudaha dalka, lana hubiyo dadka soo galootiga ah ee soo tallaabaya.
Hargaysa SDN.