|

Ciidamo Soomaaliyeed oo tababar loogu soo xiray Magaalada Bihangha ee dalka Uganda

Bihangha Feb 03 2013 (SDN)— Ciidan Soomaaliyeed ayaa waxaa Tababr loo gu soo Xiray Magaaladda Bihangha ee Dalka Ugandha halkaasi oo mudo tababar ugu usocday, kaasi oo la xariira dhinaca Militeriga.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa waxa uu sheegay in uu ku rajo weenyahay in Ciidankaa Tababrka loo soo xiray ay ka qeyb qaataan Waxbadana ay ka badalaan Dagaladda ay Ciidamadda Dowladda iyo kuwa AMISOM ay lula jiraan Xarakadda Al-Shabaab.

Qaar kamid ah Ciidamada Tababrka loo soo xiray ayaa waxa ay sheegeen in ay aad ugu faraxsanyihiin Tababrka ay ku qaateen dalka Ugandha,ayna  Jecel yihiin in ay ka qeybqaataan Nabadeenta Dalka Soomaaliya.

Ugu danbeentii Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in Ciidankaa ay mar dhaw dib ugu soo laaban doonaan Gudaha Dalka,islamrkana ay dib uqaadan doonanan Tababro la xiriira ilaalinta Arimaha Bi’aadanimadda.

Dhowr jeer ooh ore ayaa Ciidamo farabadan waxaa ay tababro ku soo qaateen dalka ka baxsan Soomaaliya.

SDN-Bihangha 

Comments are closed