|

Maxkamadeyntii Wariye C/casiis Koronto oo maanta dib loo dhigay

Muqdisho Feb 02 2013 (SDN)— Dhageysiga Maxkamadeynta Wariye C/casiis Cabdi Nuur Ibrahim iyo dad kale oo ay isku kiis yihiin ayaa markale dib loo dhigay kaddib markii maanta maxkamada gobolka ay dhaqeygsatay qaar kamid ah Marqaatiyaashii dacwad soo ogayaasha.

Qareenka u doodaya Wariye Koronto ayaa u sheegay saxaafadda in dib loo dhigay dhageysiga dacwean markii Qaadiga Maxkamada loo sheegay in marqaatiyaal kale ay u harsanyihiin dacwad soo oogayaasha.

Maxkamada gobolka ayaa ku dhawaaqday in 5-ta bishan Feb oo ku beegan Talaadada Soo aadan dib la isugu soo laaban doono dhageysiga dacwadan oo saxafiyiintii ka qeybgalay ay hididiilo ka muujiyee.

Aduunyada oo dhan ayaa fiirineysa sida uu Kiiskan u dhaco cadaalad iyo cadaalad daraba waxana ay tijaabo u tahay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh sida ay sheegtay Afhayeenada Wasaarada Arrimaha Dibadda Maraykanka.

Wariye Koronto ayaa loo heystaa danbi ah in uu sucad dil ku sameeyay mid kamid ah hay’addaha dowladda Soomaaliya taasi oo ah in uu soo wariyay ama wareystay haweyney sheegtay in ciidamada dowladda ay ku fasadeen oo ay booliska Soomaaliyeed sheegeen in ay been abuur tahay.

SDN-Muqdisho 

Comments are closed