|

Muuqaaladii Madashii Maanta ee 19 Guurada ka soo Wareegtay Aasaaska Ciidamada Qaranka Somaliland.

Hargaysa 2.Feb.(SDN) Waxay ahayd Hami aad u dheer oo ay Mudo badan ku naaloonayeen Ciidamada Kala Duwan ee Somaliland Sidii ay u heli lahaayeen Darajooyin ku Jaan go’an Heerkooda Aqooneed iyo Waayo Aragnimo.

           

Dabaal dega Xuskan ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiiro ka tirsan xukuumadda, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiiladda, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, masuuliyiin iyo waliba dadweyne kale,Waxaana lagu qabtay xarunta taliska guud ee CQ Somaliland ee magaalada Hargaysa,iyadoo ay ka soo qayb galeen sadexda Gole Qaran, taliyayaasha Ciidamada Somaliland, saraakiisha sarsare ee Ciidamada , mas’uuliyiin iyo marti sharaf kale.

 

               

Sagaal iyo Toban Sanno kadib waxaaa Saaka Rumoobay inay Darajo qaataan Taliyayaasha Afarta Ciidan Qaranka,Booliska, Asluubta iyo Difaaca Xeebaha oo ay ku lamaanayeen Ku Xigeenadooda 1aad,Labaad iyo Abaanduulayaasha Ciidanka Qaranka,Inkastoo uu Khudbad Sannadeedkii Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu labada Gole ka hor jeediyay uu ku sheegay inay Darajada Siin doonaan ilaa Shan kun oo Sarkaal,hadana waa Dufcadii kowaad.

           

Munaasibad Balaadhan oo lagu Xusayay Sagaal iyo Toban Guurada ka soo Wareegtay Aasaaska Ciidanka Qaranka ayaa lagu qabtay Barxada Taliska Guud ee Ciidaamada Qaranka,Waxaanu halkaas Madaxweynuhu darajooyinkii ku taxay Taliyayaasha Ciidamada iyo Ku xigeenadooda .

        

Madaxda Darajooyinka lagu taxay ayaa kala ahaa Taliyaha Ciidanka Qaranka Ismaaciil Maxamed Shaqalle ayaa laga dhigay Derejada Sareeye Gaas,Taliyaha Ciidanka booliska Somaliland Cabdilaahi fadal iimaan ayaa laga dhigay derejada Sareeye Guuto .

Taliyaha Ciidanka asluubta Maxamed Xuseen Xiirane ayaa laga dhigay Derejada Sareeye Guuto

Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland Axmed Cismaan xasan ayaa laga dhigay Derejada Sareeye guuto.

Abaanduulayaasha koobaad iyo labaad ee Ciidanka Qaranka iyo Taliye ku xigeenada koobaad iyo labaad ee ciidanka Booliska somaliland ayaa iyagana la gaadhsiiyey derejada Sareeye guuto.

Taliye ku xigeenada koobaad iyo labaad ee ciidanka asluubta somaliland ayaa iyagana la gaadhsiiyey Sareeye Guuto.

Hargaysa SDN.

 

Comments are closed