Golaha Wakiilada Somaliland oo Duuduub ku ansixiyay Xeerka Takaaliifta Amniga Madaarada.
Hargaysa 02.Feb.(SDN) Fadhigii Maanta ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Si duuduub ah ku ansixiyay Xeerka Takaaliifta Amniga Madaarada.
Fadhigan oo uu Shir gudoominayay Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax,Waxaa ka Soo Xaadiray 49 Xildhibaan oo ka mid ah 82ka Mudane ee Golaha Wakiiladu ka kooban yahay .
Gudoomiyuhu waxa uu Mudanayaasha ku dalbaday inay kala doortaan in Xeerkan si Duuduub ah ay ku ansixiyaan iyo inay Qodob qodob u ansixiyaan waxaanay Aqlabiyada Goluhu isku raaceen in in si Duuduub ah loo ansixiyo..
Intaas kadib waxaa bilaabantay codayntii xeerka oo u dhacday sidan soo socota:
Waxaa ogolaaday in la ansixiyo 46 mudane, Waxa diiday in la ansixiyo 2 mudane, Waxaana ka aamusay 1 mudane sidaas ayaanu ku ansaxmay Xeerkan oo u gudbaya Golaha Guurtida.
Hargaysa SDN.