|

Sanad Guuradii 19aad ee Aasaaska Ciidanka Qaranka oo loogu wanqalay Derejo Siinta Taliyeyaasha Ciidamada .

Hargaysa 02.Feb.(SDN) Madaxweynaha JSL Md Axmed maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka qayb galay xuska sanadguurada 19-aad ee aasaaska CQ Somaliland oo ku beegan maanta oo taariikhdu tahay 02 bisha febaury.

Munaasabadda Xuskaasi oo lagu qabtay xarunta taliska guud ee CQ Somaliland ee magaalada Hargaysa ayaa waxaa kaloo ka soo qayb galay sadexda Gole Qaran, taliyayaasha Ciidamada Somaliland, saraakiisha sarsare ee Ciidamada , mas’uuliyiin iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Somaliland ayaa munaasabadas gudaheeda waxuu markii ugu horaysay tan iyo intii ay Somaliland dib ula soo noqotay madaxbanaanideeda sanadkii 1991-kii uu halkaa derejada sarkaalnimada oo kala heer ah ugu xidhay 12 sarkaal oo ka kala tirsan Afarta nooc ee  ciidamada ee kala ah CQ, Ciidanka Booliska Somaliland, Ciidanka asluubta iyo Ciidanka ilaalada Xeebaha.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Ismaaciil Maxamed Shaqalle ayaa laga dhigay Derejada sareeye Gaas.

Taliyaha Ciidanka booliska Somaliland Cabdilaahi fadal iimaan ayaa laga dhigay derejada sareeye Guuto

Taliyaha Ciidanka asluubta Maxamed Xuseen Xiirane ayaa laga dhigay Derejada Sareeye Guuto

Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland Axmed Cismaan xasan ayaa laga dhigay Derejada Sareeye guuto.

Abaanduulayaasha koobaad iyo labaad ee CQ iyo taliyayaal ku xigeenada koobaad iyo labaad ee ciidanka Booliska somaliland ayaa iyagana la gaadhsiiyey derejada Sareeye guuto.

Taliyayaal ku xigeenada koobaad iyo labaad ee ciidanka asluubta somaliland ayaa iyagana la gaadhsiiyey derejada Sareeye guuto.

 

Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud ((Siilaanyo) oo munaasabaadaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ilaahay ugu mahadnaqayo in xukuumadiisu noqoto tii ugu horaysay somaliland ee bixisa derejooyinka ciidamada, isagoo ku tilmaamay ciidamadu inay yihiin tiir dhexaadka uu qaran leeyahay, loona baahan yahay in mar kasta ay dhiirrigelin ka helaan dawlad iyo shacabba.

Madaxweynaha somaliland waxuu munaasabadaas mahadnaq ugu jeediyey taliyayaashii hore ee soo maray ciidamada Somaliland.

Madaxweynaha Ka hor waxaa halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaarada Gaashaan dhiga ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami oo ka waramay hanaanka ay u xuleen Ciidanka darajada la siinayo Ciidamada kala duwan ee Somaliland.

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Qaranka Sareeye Gaas Ismaaciil Maxamed Shaqale ayaa ka warbixiyay Marxaladihii ay soo mareen aasaaska Ciidamada Qaranka Somaliland 2bishii Feb 1994kii, Waxaanu Xusay inay Maanta heer wanaagsan taagan yihiin Ciidamada Qaranku.

Kooxda Ciidanka Qaranka ee Gaashaan ayaa madashaasi ku soo bandhigay Masrixiyad ka turjumaysa doorka Ciidanku kaga jiro Xasiloonida Wadanka iyo Dhismaha Dawladnimo.

Waa Markii u horaysay ee Mudadii Somaliland Jirtay ay Ciidamada kala Duwan  ee Qaranka loo sameeyo derajo ay ku hawl galaan.

 

Hargaysa SDN.

 

Comments are closed