Nabadoon Caan ah oo lagu dilay Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari
Bosaaso Feb 02 2013 (SDN)– Wararka ka imaanaya Magaalada Bosaaso ee Xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay Suldaan siweyn loogayaqaanay kaasioo ay toog teen sida la sheegay kooxo hubeysan.
Suldaanka la dilay ayaa lagu sheegay in lagu magacaabo Muuse Faarax Muuse oo ahaa Suldaanka Beesha Muuse Saleebaan ee degta dhulka Maamulka Puntland.
Dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa noo xaqiijiyay dilka suldaankan waxaana ay intaasi ku dareen in Raga dilka geystey ay xirnaayeen Tuutaha ciidanka Maamulka Puntland, kadibna ay ku baxsadeen gaari meesha u taagnaa.
Suldaan Muuse Faarax Muuse, ayaa ahaa Nabadoon siweyn looga yaqaanay Boosaaso waxana uu ka shaqeeynayay mudooyinkii danbe howlaha nabadeynta gobolka Bari.
Majiraan wax war ah oo ku aadan dilka Suladankan oo ka soo baxay Puntland mana jirto cid sheegaytay Mas’uuliyada dilka.
SDN-Boosaaso