|

Madaxweyne Siilaanyo oo Caawa Magacaabay Taliye ku xigeeno iyo Abaanduulayaal Cusub oo ay yeelanayaan Ciidamada Booliska,Qaranka iyo Asluubta .

War-saxaafadeed

Hargaysa 01.Feb.(SDN)    Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-1553/022013      ku magacaabay Abbaanduulaha Labaad ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Warsaxaafadeedkan ooo uu ku Saxeexan yahay Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul) Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.ayaa u dhignaa Sidan:-

 

MADAXWEYNUUHU:-

 

Markuu Arkay:                Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay:                In baahi loo qabo in la dardar-geliyo hawlaha Ciidanka Qaranka;

 

Markuu Tixgeliyey:      La tashiga Madaxda ay arrintani khusayso;

 

Markuu Arkay:                In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 

 

 

Wuxuu go’aansaday;


In Mudane, Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax), laga bilaabo taariikhda Xeerkan uu ahaado Abbaanduulaha Labaad ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhinaca kale

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-1554/022013 ku magacaabay taliye ku xigeenka labaad ee booliska JSL iyo Taliye ku xigeenka labaad ee Ciidanka Asluubta JSL.

MADAXWEYNUUHU:-

Markuu Arkay:                   Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, ee xarafka (d) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay:                   Ahmiyadda ay Ciidanka Booliiska iyo Ciidanka Asluubtu u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

 

Markuu Arkay:                   In baahi loo qabo buuxinta jagada Taliye Ku-xigeenka Labaad ee Ciidanka Booliiska JSL iyo Taliye Ku-xigeenka Labaad ee Ciidanka Asluubta JSL;

 

Markuu Tixgeliyey:                       La-tashiga Madaxda ay arrintani khusayso;

 

Markuu Ku Qancay:          In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

  1. 1.     In Mudane, Daahir Cali Wacays, laga bilaabo taariikhda Xeerkan uu ahaado Taliye Ku-xigeenka Labaad ee Ciidanka Booliiska JSL.
  2. 2.     In Mudane, Cali Cumar Axmed, laga bilaabo taariikhda Xeerkan uu ahaado Taliye Ku-xigeenka Labaad ee Ciidanka Asluubta JSL, ahna La Taliyaha Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka.

 Hargaysa SDN.

d


 

Comments are closed