Aktarka Caanka ah ee Salman Khan oo maxkamad lagu soo taagi doono dalka India
Mumbai Feb 01 2013 (SDN)–Maxkamad ku taalla dalka India ayaa xukuntay in xidiga Bollywood-ka Salman Khan uu wajaho dacwad loo heysto oo ah in dil uu geystay muddo 10-sano ah ka hor.
Bishii September 2002, ayaa la sheegay in Aktarkan uu gaari ku dhuftay Nin wadada dhinceeda jiifay Magaalada Mumbai ee dalka India.
Salman Khan ayaa waxa ay noqoneysaa in la soo taago Maxkamad iyadoo hadii danbigan lagu helo lagu xakumi doono muddo 10-sano oo xabsi ah.
Aktarkan waa uu beeniyay danbiyada loo heysto.