|

Dagaal qasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan

Baladweyne Feb 01 2013 (SDN)– Sida ay ku waramayaa wararka laga helayo Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan, dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda, AMISOM oo dhinac ah iyo Xarakada Al Shabaab ayaa ka dhacay Galbeedka Magaaladaasi.

Dagaalka ayaa bilaawaday markii dagaalyanaho ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku soo qaadeen barkantorool oo ay Ciidamada dowladda ku leeyihiin Magaalada Baladweyne iyadoo dagaalku uu noqday mid ku sii fiday meelo badan oo ka tirsan Magaalada.

Dad goobjoogayaal ah oo aan la xiriirnay ayaa nooqaxiijiyay in dagaalku uu ahaa mid xoogan oo la isku adeegsaday Madaafiic culus oo waxyeelo u geysatay dhinacyadii dagaalamayay iyo dad rayid ah.

Inta la xaqiijiyay 3-qof oo rayid ah ayaa ku dhintay dagaalka tiro intaasi ka badana waxaa la sheegayaa in ay dhawacmeen oo Isbitalka Magaalada oo xaaladiisu ay tahay mid aan wanaagsaneyn loo qaaday.

Xaalada goobihii lagu dagaalamay Xalay ayaa dagan waxanaa dadka deegaanka ay sheegayaan in kooxihii weerarka soo qaadeen ay iska noqdeen inkasoo sidoo kale aysan cadeyn qasaaraha labada dhinac soo kala gaaray.

Mas’uuliyiinta dowladda ee gobolka Hiiraan oo la hadlay Idaacadaha Maxaliga ah ee Muqdisho ayaa sheegay in qasaaro ay gaarisiiyeen Al Shabaabkii weerarka soo qaday.

Majiro wax war ah oo ka soo baxay Al Shabaab oo ku aadan dagaalka ka dhacay Magaalada Baladweyne.

Magalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa gacanta ku haya Ciidamada AMISOM ee Jabuuti iyo kuwa dowladda Soomaaliya waxana dagaalkan uu imaanaya xilli dhawaantan ay shaaciyeen in ay xaqiijiyeen Amaanka Magaalada.

Comments are closed