Banaan baxyo lagaga soo hor jeedo Warkii Dawlada Uk oo ka dhacay Magaalooyin ka mid ah Somaliland .
Hargaysa 30.Jan(SDN) Isu soo bax balaadhan oo lagu diidan yahay Warkii ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Ingiriiska ee Taabanayay Nabadgalyada Somaliland ayaa maanta lagu kala qabtay Magaalooyinka Hargaysa,Gebilay ,Mandheera, iyo Bali Gubadle.
Dadwaynaha Magaalada Hargeysa ayaa saaka subaxdii isugu soo baxay jidadka waaweyn ee caasimada, iyagga oo sitay calanka qaranka Somaliland iyo weliba boodhadh waaweyn oo ay ku xardhan yihiin weedho lagu taageerayo madax-banaanida iyo xasiloonida ka jirta Somaliland.
Dadwaynahan oo isugu jiray ardayda jaamacadaha, haween, ganacsatada kala duwan ee caasimada iyo weliba dad kale oo aad u fara badan, ayaa waxay subaxdii hore ee saaka isugu yimaadeen albaabka hore ee aqalka baarlamaanka Somaliland oo uu maanta khudbad sanadeedkiisii distooriga ahaa ka jeedinayey Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo.
Waxaanu Madaxweynaha,Shirgudoonka Baarlamanka,Xubnaha Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada labada Gole ee Sharci Dejintu Socod lug ah ku dhex qaadeen banaan baxayaashii oo ay la qaybsadeen dareenkooda.
Dadweynaha caasimada ayaa isku soo baxan maanta ay ka sameeyeen waxay ku muujinayeen sida aanay marna qaranka Somaliland waxba u noqon Karin nabad galyadiisa iyo horumarkiisa,hadal aan laga fiirsan waxaanay ka midaysnaayeen sida ay uga Xun yihiin Dhawaqa dawlada Ingiriiska ka soo yeedhay.
Geesta kale kan la mid ah ayaaa lagu qabtay Degmadda Balligubadle ee xarunta Gobolka hawd,Kumanaan dadweynaha degmadaas ah ayaa isugu soo baxay badhtamaha magaalada kuwaaso socod nabadgelyo ku maray wadada weyn ee magaaladaas dhexmarta, iyagoo ku dhawaaqaya kelmado cadaynayey nabadgelyada iyo xasiloonida taamka ah ee ka jirta dalkan JSL.
Banaanbaxa ka bacdi waxaa meel fagaare ah shir jaraa’id ku qabtay ku simaha Mayorka degmada Balligubadle, ahna Mayor ku xigeenka degmada Md Mowliid Jaamac Yuusuf iyo Xoghayaha Dawlada hoose ee degmadaas C/kariim C/raxmaan oo ay wehelinayeen xubnahii golaha deegaanka ee dhowaan la doortay.
Shir jaraa’idkooda waxay ku caddeeyeen in nabadgelyada somaliland ay tahay mid la isku hallayn karo waqtiga dheer isla markaana aanay haba yaraatee waxba ka jirin warbixinaha ay dalalka qaarkood ku doonayaan inay ku waxyeeleeyaan nabadgelyada dalkan. waxayna ugu baaqeen shacabka somaliland inay u midoobaan adkaynta midnimadooda iyo wada jirkooda.
Dhinaca kale Mudaharaad kan la mid ah ayaa lagu qabtay Degmada Mandheera ee Gobolka Saaxil.
Gudoomiyaha Degmada Mandheera ee Gobolka Saaxil Yaasiin Yuusuf Axmed oo la hadlayay banaan baxayaasha ayaa ka dalbaday inay dhinac uga soo wada jeedaan wax kasta oo saamayn ku yeelan kara Xasiloonida Jamhuuriyada Somaliland waxaanu u soo jeediyay Dadweynaha ku dhaqan Degmadaasi inay Wada Shaqayn buuxda la yeeshaan Ciidamada Amaanka.
Dadweynaha Degmada Mandheera ayaa iyana halkaasi ka Soo jeediyay hadalo ay ku cabirayaan dareenkooda.
Dhinaca kale Boqolaal ka mid ah Shacabka ku dhaqan Magaalada Gebilay ayaa isu soo bax balaadhan oo kan la mid ah ayaa lagu qabtay Magaalada Gebilay .
Hargaysa SDN.