Wasiirka Cadaalada oo hargaysa ka furay Kulan dib loogu eegayo xeerka xabsiyada dalka ee Somaliland .
Hargaysa 30.Jan(SDN
Wasiirka wasaaradda cadaaladda Mud, Xuseen Axmed caydiid oo uu weheliyoTaliyaha ciidanka Asluubta Maxamed Xuseen Faarax, ayaa maanta kulan howled socon doona laba maalmood kuna saabsan dib-u-eegista xeerka xabsiyada dalka ee Somaliland ka furay huteel Maansoor ee magaalada hargeysa.
Kulan howleedkan oo ay ka qayb galeen Ku simaha xeer ilaaliyaha Guud , Garyaqaanka Guud ee dawladda, Agaasimaha waaxda xabsiyada wasaarada cadaaladda,Saraakiisha ciidanka asluubta Iyo sarkaal ka socday hay’adda UNDP, waxa ugu horay halkaa ka hadlay wasiirka wasaarada caddaaladda Mud, Xuseen Axmed Caydiid,waxaanuu sheegay in xeerka xabsiyadu uu soo maray maraaxil badan, kana soo qayb qaateen ,bahda garsoorka, Jaamacadda Hargeysa,iyo hay’ado badani.Waxaanuu wasiirku ka qayb galayaasha u soo jeediyey in wixii macluumaad ah ee maanta ay ku soo kordhiyaan xeerkan ay noqon doonaan wax lagu xasuusan doono.
Mud, Xuseen Axmed caydiid oo ka hadlayey xeerka xabsiyada waxa uu sheegay,in xeerkan marka la eego uu wax-badan tix-geliyey xagga xuquuqda aadamaha oo haatan uu la shaqayn karo nidaamka caalamiga ah.waxaanuu wasiirku intaa raaciyey inuu soo kordhiyey xeerkani wax-yaalo badan oo aan hore u jiri jirin sida nidaamka loo yaqaano shuruud ku sdii daynta maxaabiista, kaasi oo uu xusay inuu yahay nidaam la doonayo in dhawaan laga dhaqan geliyo xabsiyada.waxaanuu kula dardaarmay ka qayb galayaasha inay ku dedaalaan sidii ay iyana xeerkan wax ugu soo kordhin lahaayeen.
Taliyaha ciidanka asluubta maxamed xuseen Faarax oo isna halkaasi halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan in xabsiyada loo sameeyo sharci cusub si ay caalamka ula jaan qaadaan.waxaanuu xusay inuu yahay xeer baahi weyn loo qabay.waxa kale oo iyana ka hadlay xubno ka mid ah qayb galayaasha kulanka howleedka.
Qaar ka Mid ah Xubnaha ka qayb qaadanayay Kulan hawleedkan ayaa Sheegay in la gaadhay Wakhtigii Si quman dib loogu eegi lahaa Xaaladaha ka jira Xabsiyada iyo Sidii ay isula jaanqaadi lahaayeen Xeer nidaamiyahan.
Hargaysa SDN.