|

Ra’iisul wasaare Saacid oo Muqdisho kula kulmay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Muqdisho Jan 30 2013 (SDN)— Raysul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta la kulmay Kaaliyaha Xoghayaha guud ee arrimaha Siyaasadda ee Qaramada Midoobay Jefery feltman.

Waxey labada dhinac ka wada hadleen sidii loo taageeri lahaa dowladda Soomaaliya, waxeyna kulankooda maanta ay ku lafagureyn arrimaha siyaasadda ee dowladda Soomaaliya, Amniga, Garsoorka, iyo dib u dhiska dalka.

Marka uu soo dhamaaday kulanka ayaa waxaa saxaada si wadajir ula hadlay Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxa Wafdiga qaramada Midoobay Mr Feltman.

Cabdi Faraax Shirdoon ayaa sheegay inay kulankooda ay ugu wada hadleen isbadalka siyaasadeed ee Xukuumada Soomaaliya iyo sida ay qaramada Midoobay ugu qeyb qaadan laheyd.

Wasiirka Gaashaandhiga,Wasiirka Arimaha gudaha iyo madax kale ayaa ka qeyb gashay kulanka.

Sidoo kale Mr Feltman ayaa sheegay in kulankaani uu yahay mid daba socda kulan ay Adis Ababa ku wada qaateen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ban-ki Moon.

SDN-Muqdisho 

Comments are closed