Mas’uuliyiin kala duwan oo ka hadlay Amaanka dalka Kenya iyo xilga doorashooyinka
Nairobi Jan 30 2013 (SDN)— Kadib shir si wadajir ah u wada qaateen Wasiirka Amniga Gudaha Kenya Katoo Ole Metito iyo Gudoomiyaasha degmooyinka ayaa waxay shirkooda kaga hadleen xaaladaha nabadgalyo ee ka jira dalka Kenya iyo sida looga gudbi karo xilli doorashada madaxtinimada dalka ay soo dhowdahay.
Waxayna si adag u wada balan qaadeen in la iska kaashado sidii loo sugi lahaa ammaanka guud ahaan dalka oo laga hortago falalka amaanka ka dhanka ah ay ka mid yihiin qaraxyada iyo dilalka bareerka ah ee shacabka iyo askarta loo geysanayo.
Sida ay uu baahiyay wargeyska Daily nation ee ka soo baxa dalka Kenya,wasiirka Amniga Gudaha Kenya Katoo ole Metito ayaa shaaca ka qaaday in falalka amaandari inta badan ka jira dalka Kenya ay ku lug leeyihiin dhalinyaro xariir la leh Al-Shabaab,isagoona tilmaamay in ragaasi gacan bir ah lagu qaban doono.
“Alshabaab waxaa laga yaabaa hada inay abaabulayaan weeraro xilliga doorashada ah,waa laga yaabaa,marka waa inaan isku tashanaa oo amaankeena ka taxadarnaa si dhibaato aysan u dhacin ka hor aan ka hortagnaa”ayuu yiri Mr Katoo ole.
Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Amniga Gudaha Mutea Iringo iyo Madaxa Adeegyada Dawladda,ayaa Gudoomiyaasha degmooyinka ugu baaqay inay la yimaadaan qorshe dhab ah oo wax looga qabanayo xaaladaha amaandari ee ka jira dalka.
Dowlada Kenya,ayaa si weyn waxay kaga walaacsan tahay in doorashada dalkeeda xilliga ay dhacayaan la kulmaan rabshado carqalad giliya hanaanka doorashada iyo habsami u socodkeeda,wallow marar badan Kenya uu ka dhacay kulanka amaanka lagu xoojinayo.