|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay Fadhi ay yeesheen labada gole ee baarlamanka.

Hargaysa 30.Jan (SDN) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Khudbad Sannadeedkii Distooriga ahaa waxa uu Saaka u jeedinayaa isla markaana ay hada ka  Socotaa Xarunta Golaha Wakiilada .

Fadhigan oo uu Shir Gudoominayo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland Mudane C.raxmaan Cirro ayaa Madaxweynuhu waxa uu ka waramay Waxqabadkii Xukuumada u hirgalay Sannadkii Hore kuwaas oo taabanaya adeegyada Dhaqan/Dhaqaale ee dalka,Kor u qaadka Miisaaniyada Sannadeedka Xukuumada,iyo arrimo badan oo Kalel

Mudane Axmed Siilaanyo waxa uu cadeeyay inaanay Somaliland ka Xumayn aqoonsiga ay dawlada Maraykanku u fidisay Somalia waxaase uu ugu baaqay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh inuu ka shaqeeyo Xidhiidhka jaarnimo ee labada wadan,

Madaxweynuhu waxa uu Xusay in Boqol Sanno hadii ay gaadhayso in qadiyada Madax banaaanida Somaliland aanay ka noqonayn, Maadaama ay ku timid sida uu Xusay doonista iyo rabitaanka Shacabka isagoo ugu baaqay Caalamka Jecel Xoriyada bulshooyinka adduunka waxaa kale oo uu u soo jeediyay Madaxda Wadanka Somalia inay ka dhawrsoonaadaan wax kasta oo dhaawacaya Wada hadalkii labada wadan dhex maray ee weli Socda.

Warkan oo faahfaahsan Goor dhaw ayaan idiin soo gudbin doonaa Maadaama ay socoto Khudbad Sanadeedkii Madaxweynaha.

SDN Hargaysa

Comments are closed