|

Shacabka Bay oo ka codsaday dowlada in loo soo dhiso maamul ay ku qanacsanyihiin

Baydhabo Jan 30 2013 (SDN)— Shacabka ku nool Gobalka Bay qaar kamid ah oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ka codsanayaan in maamulka loo sameynayo Gobalka Baay uu noqdo mid ay ku qancaan shacabka Gobalkaasi kunool.

Qaar kamid ah shacabka oo ka hadlaye kulan ay la qaateen xubno ka tirsan Golaha wasiirada gaar ahaan Wasaarada arimaha gudaha ayaa waxa ay sheegeen inay ka codsanayaan Xukuumadda in maamulka loo sameynayo uu noqdo mid shacabkaasi ay kuwada qanacsan yihiin.

Wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumadda Soomaaliya oo ka jawaabaye hadalka kasoo baxay shacabka Gobalka Bay ayaa wuxuu sheegay in maamulka loo sameynayo shacabka Gobalkaasi uusan noqon doonin mid ka yimaada Magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in maamulka KMG ah ee loo dhisayo Gobalada dalka Soomaaliya uusan noqon doonin mid ka yimaada Magaalooyin kale balse uu noqonayo mid ka dhexyimaada shacabka Gobalkaasi,isaga oo sheegay in marwaliba Dowladda ay ku shaqeyso aragtida Shacabka Somaaliyeed.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dadaalaysa sidii Gobalada lagala wareegay Ururka Al-Shabaab ay ugu sameyn laheyd maamul ay kuwada qanacsan yihiin shacabka Gobalkaasi.

SDN-Baydhabo 

Comments are closed