|

Al Shabaab oo sheegtay Mas’uuliyada qaraxii ka dhacay Villa Soomaaliya

Muqdisho Jan 29 2013 (SDN)— Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay Masuuliyada Qaraxii saakay ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhaxaysa Xafiiska Ra’iisul Wasaare Shirdoon iyo Safaarada Itoobiya.

War qoraal ah oo shabaab uu soo saaray ayaa waxaa uu ku cadeeyay in rag ka tirsan iyaga ay fuliyeen qaraxa Ismiidaamin lagana gaaray hadafkkii laga lahaa.

Shabaab ayaa sheegay qaraxa maanta ka dhacay Madaxtooyada iney ku dileen 7 Sarkaal oo ka tirsan Dowlada waxaana ku jiray ayey qeexeen Sadax Ruux oo Shabaab xili hore bartilmaameed u ahaa waa sida ay warka u dhigeen.

Madaxda Xukuumada Soomaaliya oo qaraxa ka hadlayna waxaa ay sheegeen iney fishiliyeen.

Comments are closed