Mudaharaad ruxay Magaalada Berbera oo lagu diidan yahay dhawaqii ka soo yeedhay dawlada Ingiriiska
Hargaysa 29.Jan (SDN)
Banaan bax balaadhan oo lagaga soo hor jeedo hadalkii ka soo yeedhay dawlada Ingiriiska ee taabanayay nabadgalyada Somaliland ayaa maanta ka dhacay Magaalada Berbera .
Banaan baxan waxaa dadweynaha kala qayb galay Maamulka Gobolka Saaxil iyo ka degmada Berbera,Mudaharaadayaasha ayaa ku dhawaaqayay ereyo ay ku cabirayaan dareenkooda ku wajahan warkii dawlada Ingiriisku ugu digtay Muwaadiniinteedu inay ka soo baxaan Somaliland,Sababo dhinaca Amaankooda ah .
Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi Iyo Maayarka Magaalada Berbera C.Shakuur Cidin ayaa Sheegay in Somaliland ay ka jirto nabadgalyo buuxda iyagoo Xusay in Wixii Ummadan u qabsoomay mudadii ka danbaysay dib ula soo noqoshada madax banaanida Jamhuuriyada Somaliland aanay ku iman Gacan Shisheeye balse ay tahay Himilo ay Shacabka Somaliland ku faraxsan yihiin gaadhista iyo xaqiijinta sidii uu Wadankani Aqoonsi uga heli lahaa dunnida inteeda kale.
Gudoomiyaha Gobolka Saaxil iyo Duqa Magaalada Berbera Waxaa kale oo ay Tilmaameen in Somaliland loo quudhi la’a yahay Guulaha ay gaadhay Isla markaana ay dawlada Ingiriisku ku Xajiimaynayso sida ay Sheegeen War aan Xaqiiqadiisu Sugnayn waxaanay intaas ku dareen In Somaliland Jirayso Jirina doonto hadii ay Shisheeyuhu ka wada baxaan.
Mudaharaadkan ka dhacay Magaalada Berbera ayaa noqonaya kii u horeeyay ee laga sameeyo Gobolada dalka intii ka danbaysay markii ay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Ingiriisku ku dhawaaqday in Muwaadiniinteedu Xaalado amaan uga soo baxaan Somaliland.
Hargaysa SDN.