|

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo la wareegay deegaano Shababa ay ku suganaayeen oo ka tirsan Gedo

Garbahaarey Jan 29 2013 (SDN)— Saraakiisha ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobalka Gedo ayaa ka warbixiyay deegaano horleh oo ay sheegeen inay kala wareegeen Ururka Al-Shabaab.

Maxamed Axmed Cali oo kamid ah saraakiisha ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobalka Gedo ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka Dowladda ay shalay la wareegay deegaan Shabaab ay kaga sugnaayeen Gobalkaasi.

Wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda ay la wareegeen deegaan lagu magacaabo Birta dheer oo 15-Km ujirta Magaalada Garbahaareey ee Gobalka Gedo halkaasi oo ay Shabaab weeraro gaadmo ah kasoo qaadi jireen.

Sarkaalkaan ayaa sheegay inay sii socon doonaan howlgalka lagula wareegayo deeganada Shabaab ay ka joogaan Gobalka Gedo maadaama sida uu sheegay Shabaab aysan awood laheyn.

Meel waliba oo ay joogaan Shabaab ayuu sheegay inay ku weerari doonaan ayna kala wareegayaan goobahaasi ay ku sugan yihiin.

Dhanka Shabaab ilaa iyo iminka wax war ah kama soo bixin kaasi oo ku aadan sheegashada saraakiisha ciidamada Dowladda ee Gobalka Gedo kaasi oo ku aadan inay qabsadeen deegaano Shabaab ay maamuli jireen.

SDN-Garbahaarey

Comments are closed