|

Wasiirka Britain u qaabilsan Africa iyo Wasiirka arrimaha Dibeedda ee Soomaaliya oo ka war bixiyay ujjeedooyinka Shirka Soomaaliya ee London Lagu qabanayo

Adis Ababa Jan 29,2013(SDN)-Wasiirka Britain u qaabilsan Africa Mr Mark Simmonds iyo wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Marwo Fowsiya Yusuf Aadan oo wada jir u guddoomiyay kulan ka dhacay magaalada Adis Ababa oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya ayaa madaxda ka qeyb galeysa shirka Midawga Afrika uga xog waramay xaalada Soomaaliya.

Shirkan ayaa lagu soo qaaday qodobada ugu muhiimsan ee lagu lafa guri doono Shirka London ee Soomaaliya.

Shirkaa Dabadii ayaa labada masuul waxa ay sidoo kale saxaafada uga warameen ujjeedooyinka iyo waxa looga hadli doono shir bisha May lagu qabanayo magaalada London oo looga arrinsan doono xaalada Soomaaliya.

“Kulankii Maanta(shalay) waxaa lagu lafo guray qodobada muhiimka ah ee la isla eegi doono inta lagu guddo jiro Shirka Soomaaliya ee UK lagu qaban doono. Ka dib guulihii soo hoyday sanadkii tegay shirka waxa wada jir u guddoomin doona Raiisul wasaare David Cameron iyo madaxweynaha Soomaaliya Md Xasan Sheekh Maxamuud”sidaa waxa yiri wasiirka Britain u qaabilsan Afrika Mark Simmonds.

“Dawlada Soomaaliya waxa ay soo bandhigtay qodobada ay ku shaqeyneyso,shirka Londona waxa uu qeyb ka yahay sidii ay beesha caalamku gacan uga geysan laheyd in Dawladu hirgeliso qodobadaas. Wada shaqeyn adag oo beesha caalamku yeelatona waxa ay suurto gelinayaan in lagu hirgeliyo qodobadaas sida ugu dhaqsiyaha badan,khaasatan in dadka Soomaaliya ay helaan amniga iyo waxqabadka dawladeed”ayuu Wasiirka Afrika ee Britian yiri.

Waxa iyana halkaa ka hadashay wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya Marwo Fowsiya Yusuf Aadan.

“Waxaanu ka mahadcelineynaa sida ay raiisul wasaaraha,wasiirka arrimaha dibedda(UK) iyo Beesha Caalamkuba gacanta u siiyeen Soomaaliya,iyo ka hawlgalkooda in dib loo soo nooleeyo ciidamada amaanka ee Soomaaliya.

Soomaaliya waxa ay dagaal kula jirtaa argagixiso,Burcad Badeed waanay ka guuleysan doontaa,Sidoo kale waxa jira caqabado kale,laakiin taageerada caalamku waxa ay suurto gelisay guulo. Shirka Bisha Mayna waanu tegi doonaa oo aanu wax ka shir guddoomin doonaa. Sanasiib wanaagna halkaa ayaan hore uga sii socon doonaa”ayay tiri Fowsiya Yusuf Aadan.

Shirkan oo mid la mida sanadkii hore isla London lagu qabtay ayaa waxa ka qeybgalay dhamaan dhinacyada siyaasada Soomaaliya oo ay kolkii u horeysayna ka mid aheyd Somaliland.

Haatanse waxa muuqda in isbedel ku yimi ka qeybgalka shirka ee Somaliland,inkasta oo xukuumadu weli aaney ka hadal hadan Guddoomiyaha xisbiga UCID oo shirarkii hore ka qeyb galay ayaa diidmo adag ku sheegay in aanu shirkani Somaliland dan u aheyn.

SDN-Adis Ababa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed