Muqdishow Nasiibkeed, Maantuu u wacanyahay (MAANSO)
Waxaan qoray Tixdan Maanso ee aan ugu magac daray Muqdishow Nasiibkeed, Maantuu u wacanyahay, Goor habeen ah, anigoo Maraya mid ka mida Wadooyinka Caasimadda.
Halkan ayaan ku dhashay kunasoo barbaaray, waxaana iminka ii muuqanaya wax aad uga duwan wixii aan Magaalada kusoo bartay ee ahaa inaanay Dadku ku dhiiran karayn socod Habeennimo, Colaadihii jiri jiray awgood.
Sidaas darteed baan u jecleystay inaan wax un ugu darsado Sheekooyinka wanaagsan ee ay Dhawaanahan Dalka iyo Xaalkiisa Maanta ka sheegayeen Af-Maalka Soomaaliyeed iyo inta kale ee ka hadashay oo Caalamka ahba.
Waa tanaa Tixdii ee Aqris wacan:
1- Muqdishaa la oran jiray
Waa Makaanki Dhalashiyo
Meeshi aan kusoo koray
Wali Magaci baa jira
Muuquse ka duwan sidi
Maalmo horeba la ogaa
Maantiyo Sideey tahay
Magaaladiyo Xaalkeed
Maaha Shalay wixii jiray
Marqaatina waxaa u ah
Maalin maaha iminkoo
Waa Habeen mugdi ahoo
Mir-dhexaad la joogo
Muqdishaan ku suganahay
Halkii Maalmo tagay iyo
Mudo badan Colaaduhu
Marti-galin jireen baan
Iyadoo Maqsuudoo
Nabad Caano maashay
Haatan meel la joogaa
2- Markii hore Habeenkii
Mugdigoon imaanoo
Gabalkiiba muuqdeey
Muqdishow Albaabada
Mar quraa xirxiran jidhay
Maqribkoo la adamayo
Masjid looma kici jidhin
Maqsinkiyo Qolkiisuu
Mid kastaba ku tukan jiray
Maafiyada Tuugta ah
Ayaa miririqleyn jidhay
Midkii ay arkaanna
Mindi Dheer ku suri jiray
Maryahana ka furan jiray
3- Maantase waxaa yimi
Markuu Gabalku dhaco baan
Miisaanka Dhuxushiyo
Maanabooliyada Shibis
Iyo Makaanka Siinaay
Inta socod kusoo maro
Xarar-yaale baal maro
Madiiniyo dhankaa shishe
Macmacaanka Ruux jira
Maalin-joog ku booqdoo
Marka Leylka soo galo
Anigoon murgooneyn
Mudo kale lasii jiro
Markaan Sheeko boganana
Mid kastaba halkiisii
Dib usoo majeertaa
Mid Gawaari raaciyo
Ku lugtiisa Maalaba
Mugdigaa Habeenkii
Marna Raad ma yeeshoo
Meel kastaba Dariiqyada
Leyrar baa ku mudanoo
Ileys baa ku miisan
Tuug Magaci waa ba’ay
Mooryanna lama arag
Muqdishow Nasiibkeed
Maantuu u wacan yahay
Deyr bay mareysaa
Xumihii iska meyrtay
Ilaah baa Mahadaas leh
4- Mar kalaan oranayaa
Muqdishoo Aleeyl Dumay
Ama Maalin dhalaalkeed
Midna aanu mid doorin
Dadku Murug la’aantood
Howsha maamulaayaan
Mucjiso weeye maan oran?
Ma dadaal la galay iyo
Nabad lagu maqnaayoo
Midig lagu haleelaa
Micnuhuba noqonayaa?
Mise waa la daaloo
Shacabkoo madfaca nacay
Iyo Dowladdoo miciinsatay
Ayaa Guusha Makaniyay
Colaadii Madaxa jaray
Nabadana dib u milkiyay?
Mid kastooy ahaataba
Muqdishow Nasiibkeed
Maantuu u wacan yahay
Deyr bay mareysaa
Xumihii iska meyrtay
Ilaah baa Mahadaas leh
W/ CURIYAY: Mohamed Abdullahi Dhaaley
Mohammed_dhaley@hotmail.com