|

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabay safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya

Muqdisho Jan 28  2013 (SDN)— Wafdigan ka socda Dowladda Talyaaniga ee maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxaa hogaaminaye Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya.

Markii uu soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Kulanka labada dhinac ayaa waxa ay kaga wada hadleen sii xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Talyaaniga waxaana saxaafada siwadajir ah ula hadlay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo sidoo kale Safiirka Dowlada Talyaaniga ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ugu horeyn hadlay ayaa wuxuu sheegay in waxyaabaha ugu muhiimsan oo ay kawada hadleen ay tahay xiriirka dhanka iskaashiga ee Dowladda Talyaaniga iyo Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in iminka si toos ah uu usoo laabtay doorkii Talyaaniga ee Soomaaliya uu ku caawin jiray isaga oo sheegay Ra’iisul Wasaaraha inuu soo dhaweynayo arintaasi.

Isna dhankiisa Safiirka dalka Talyaaniga ee Soomaaliya Andrea Mazella ayaa sheegay in Dowladda Talyaaniga ay garab taagan tahay Dowladda Soomaaliya ayna ka caawinayso arimaha dhaqaalaha iyo dib udhiska dalka Soomaaliya.

Wafdigaan ka socda Dowladda Talyaaniga ee maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay qeyb ka yihiin wafuud Muqdisho si isdaba joog ah maalmahan usoo gaareysay.

SDN-Muqdisho

Comments are closed