|

Maayarka Boorama oo ku Celiyay inaanay ka baxayn balanqaadkii ay bulshada u Sameeyeen Xiligii Ololaha doorashada.

Hargaysa 28.Jan (SDN) Maayirka  Dawlada  Hoose ee  Boorame ,Mud,Saleebaan maxamed Xaddi,ayaa  sheegay in qorsha hawleedka golahooda degaanka  ay sal-dhig u noqon doonto ballan qaad-yadii   ay bulshada u sameeyeen xilligii ololaha doorashada kaas oo la Xidhiidhay dhinac-yada  adeega bulashada.

Mud, saleebaan  maxamed Xaddi  waxa  uu sheegay in gole ahaan ay isla qaateen, in bulshada  uga dhabayaan fulinta wixii balan qaad ah,taas oo ku xidhnaan doonta ayuu yidhi kolba sida dakhliga Cashuuruhu u soo Xerooddo “Waxaad Wacad ku marayaa inaan ka dhabayn doono wixii aanu ku ololaynay ee Umadu nagu dooratay,waxaanan bulshada ka codsanayaa inay Bixiyaan Wixii Cashuuro ah ee ku Waajibay si horumarka magaaladu u sii socdo”ayuu yidhi Maayarku .

Duqa Boorame waxa  kale oo uu sheegay in qorshaha Maamulkoodu wado ee adeega bulshada,ay mudnaanta siin doonaan  baahiyaha aasaasiga ah ee  bulshada sida faya-dhowrka Guud , kaasi oo uu xusay inay haatan bilaabeen in todobaad-kiiba  maalin ay u asteeyaan inay noqoto maalinta  Nadaafadda Guud  oo Xashiishka  magaalada lagaga Gurayo, si bilicda  magaalada loo ilaaliya.

Mud, Saleebaan Maxamed Xaddi waxa uu  intaa raaciyey in  ay u qorshaysan tahay oo kale sidii cashuuraha kala duwan ee ay bixinayaan dadweynuhu dib wax loogaga celiyo bulshada.

Maayarku waxa uu Xusay in dadweynaha looga baahan yahay inay  si hagar la’aan ah u bixiyaan cashuuraha ku  waajibay.

Hargaysa SDN.

 

 

 

 

Comments are closed