|

Maxkamada Gobolka Maroodi jeex oo Xukun ku riday laba nin oo ka ganacsada Maandooriyaha Khamriga.

Hargaysa 28.Jan (SDN)  Maxkamada Gobolka Maroodi jeex ayaa maanta Xukun iyo Ganaax lacageed ku riday laba danbiile oo lagu qabtay Maandooriyaha Khamriga oo ay ka ganacsanayeen.

Waxaana barxada hore ee maxkamada lagu gubay in ka badan Sodon Jirikaan oo Khamri laga soo buuxiyay.

Garsoorihii Xukunka qaaday ayaa sheegay in danbiilayaasha kala ah Axmed Cali Ciise iyo Maxamed Ismaaciil Aadan oo ah labada nin ee lagu soo qabtay Khamrigan Midkiiba lagu xukumay Sadex Sanno oo Xadhig ah iyo Sadex Milyan oo Shilling Somaliland ah.

Sidoo kale Xeer ilaaliyaha Gobolka Maroodi jeex ayaa bulshada ka codsaday inay Ciidamada Amaanka la soo socodsiiyaan cidii ay ku arkaan iyagoo ka ganacsanaya Maandooriyayaasha uu Khamrigu ka mid yahay.

Labada nin ee la Xukumay iyo Khamriga ay ganacsiga u wateen ayaa soo qabashadoodu waxay ka danbaysay hawl gal ay sameeyeen Ciidamada booliska Somaliland .

Hargaysa SDN.

Comments are closed