|

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada iyo Taliyaha Ciidamada Booliska oo ka hadlay dareenkooda ku wajahan Warkii ka soo baxay Dawlada Ingiriiska,Baaqna u diray Shacabka Somaliland.

Hargaysa 28.Jan (SDN) Taliyaha Ciidanka Booliska ee Somaliland C.laahi Fadal Iimaan ayaa maanta Cadeeyay in Ciidamada Amaanku ay heegan ugu jiraan adkaynta  Nabadgalyada Wadanka ,isla markaana aanay jirin Wax Xasilooni daro ah oo Somaliland ka jirta.

Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland waxa uu Sheegay inaanay u muuqan warka ka soo baxay dawlada Ingiriiska ee ay ku Wargalisay Muwaadiniinteedu inay ka soo baxaan Somaliland Sababo ay ku xidhiidhisay Khataro ku soo fool leh.

Cabdilaahi Fadal Iimaan waxa uu intaas ku daray inay Ciidamada kala duwan ee amaanku gacan adag ku hayaan wax kasta oo dhaawici kara Qaranimada Jamhuuriyada Somaliland, Isagoo Shacabka Somaliland ka dalbaday in Sidii Caadada u ahayd ay la shaqeeyaan Ciidamada gacana ka siiyaan xog kasta oo saamayn ku yeelanaysa amniga wadanka.

Geesta kale Gudoomiyaha Golaha Wakiilada isla markaana ah Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Ciro oo maanta warbaahinta kula hadlayay Xafiiskiisa ayaa wax laga naxo ku tilmaamay dhawaqa ka soo yeedhay dawlada Ingiriiska, Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu waxa uu Sheegay Inay Nabad Galyada Somaliland Tahay Mid Cago adag ku taagan.

Mudane C.raxmaan Cirro waxa uu u soo jeediyay Xukuumada Somaliland Gaar ahaan Wasaarada Arrimaha Gudaha oo amniga wadanka mas’uul ka ah inay warbixin ka siiyo dalalka Xidhiidhka iyo Macaamilka la leh Somaliland heerka ay Marayso Nabadgalyada dalku si loo soo celiyo ayuu yidhi Kalsoonidii Wadamadaasi sida Ingiriisku ku qabeen Somaliland waxaa kale oo uu Shacabka Somaliland ka Codsaday in Sidii dhaqanka u ahayd ay feejignaan gaar ah u yeeshay Cadawga raba inay falal nabadgalyo daro ka dhaliyaan Somaliland .

Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu waxa uu Mujtamaca Caalamka la socodsiiyay in nabadgalyada Somaliland ay tahay Mid lagu kalsoon yahay, Waxaanu intaas ku daray in Wararka noocan oo kale ah ay ka xaqiijiyaan inta aanay faafin cida ay Khusayso.

Hargaysa SDN.

Comments are closed