Xukuumada Somaliland oo Caawa ka jawaabaysa Warka ka soo baxay Dawlada Ingiriiska ee Muwaadiniinteeda kaga dalbatay inay ka soo baxaan Somaliland
Hargaysa 27Jan.(SDN) Xukuumada Somaliland ayaa caawa ka hadlaysa Mawqifka ay ka qaatay digniinta ay Dawlada Ingiriisku u soo jeedisay Muwaadiniinteedu si deg deg ah uga soo baxaan Somaliland,Isla markaana ku xidhiidhisay Khataro dhinaca amaanka oo ka dhan ah muwaadiniinta dalalka reer Galbeedka ee ku sugan Somaliland.
Qasriga Madaxtooyada Somaliland ayaa hada la isugu yeedhay qaybaha Warbaahinta waxana la rajaynayaa in Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Siilaanyo ay cadayso Mawqifkeeda ku aadan dhawaqa ka soo yeedhay Wasaarada Arrimaha dibada ee Ingiriiska.
Warkan waxaan idiin soo tebin doonaa marka uu nuxurka kulankani soo baxo.
Geesta kale Shacabka Somaliland ayaa aad uga Xumaaday in dawlada Ingiriisku ay ku dhawaaqdo markii u horaysay Taariikhda in Muwaadiniinteedu ay ka soo baxaan Somaliland iyagoo dadweynuhu ku doodaya in dhacdadani ay Mataanaynayso Somaliland iyo Wadanka Maali oo Qul qulado siyaasadeed iyo Kooxo diimeed oo xidhiidh la leh Argagixisadu ka hawl galaan.
Hargaysa SDN.