Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland iyo Xubno la socda oo kormeer ugu kicitimay Gobolada Saaxil iyo Togdheer.
Hargaysa 27.Jan (SDN)
Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali iyo wefti uu hogaaminayo ayaa Maanta socdaal shaqo ku tagay magaalada Barbara,isagoo u kuurgalaya hanaanka ay u wada shaqeeyaan hay’adaha Garsoorka ee Gobolada Saaxil iyo Togdheer.
Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo Weftigiisa oo ku sugan Magaalada Berbera ayaa Ujeedada Socdaalkooda ku sheegay inuu Salka ku hayo Sidii ay ula socon lahaayeen Dhaq dhaqaaqa hawlaha Garsoorka ee Gobolada Saaxil iyo Togdheer,waxaanu kulan la yeeshay dhamaanba Madaxda laamaha Cadaalada ee Gobolka Saaxil.
Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali Waxa uu ka dalbaday Mas’uuliyiinta Hay’adaha Cadaaladu inay Xil iska saaraan hawlaha ay ummada uga mas’uulka yihiin,Isla markaana ay Bulshada ugu Garsooraan Si Sinaaan iyo Xaqsoor Leh.
Gudoomiyaha Maxkamada Sare waxa uu ku amaanay Maxkamadaha Gobolka Saaxil in aanay Jirin Maxaabiis ku Mudo dhaafay Xabsiyada, Waxaa Kale oo uu amaan iyo Mahadnaq u jeediyay Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Magaalada Berbera oo uu sheegay inuu Warbixin joogto ah soo siiya Maxkamadaha Degmada,iyo Racfaanka,kana soo Warbixiya sida uu Yidhi Maxaabiista Garsugayaasha ah iyo Kuwa Xukunkooda dhamaystay.
Dhinaca kale Madaxda Hay’adaha Cadaalada ayaa iyaguna Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo Weftigiisa waxay Warbixin ka siiyeen hawlaha kala duwan ee ay u Xilsaaran yihiin iyo wixii caqabad ah ee la soo dersa.
Hargaysa SDN.