|

Golaha Wakiilada Somaliland oo Maanta dood adag ka Yeeshay Xeerka Takaaliifta Amniga Madaarada.

Hargaysa 27.Jan (SDN)   Fadhigii Maanta  ee Golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland oo uu Shir Guddoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) ayaa lagu sii ambo qaaday Dooda Xeerka Amniga Madaarada.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa  mudanayaasha ku wargeliyey in ay gudda galaan dooda Xeerka Takaaliifta Amniga madaarada oo shalay ay wax ka bedelka kaabis kusoo samaysay guddi hoodaadka dhaqaalaha ee golaha wakiiladdu ,Isla markaana ay Lifaaqoodii soo raaciyeen Xeerkan .

Mudanayaasha Maanta Codkooda ka dhiibtay dooda Xeerka  Takaaliifta Amniga madaaradda,ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Xeerkan, waxaanay Qaarkood Xuseen in uu dhibaato ku yahay dadka Somaliland ee dalkooda hooyo ku soo laabanaya in marka ay baxayaan laga qaado lacag qofkiiba 10 dollar ah  ,Xil: C/qaadir X Ismaaciil jirdeh ,Mudane Aadan X Diiriye Dirir,Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa ku dooday in Cashuur aanu Goluhu ansixin in dalka laga hirgaliyo ay Xaaraan tahay,Waxaanay intaas ku dareen inay haboon tahay sidii Xeerkan looga dhigi lahaa Mid aan Culays ku yeelan bulshada ka dhoofaysa Madaarada .

Sidoo kale Xil: Xusseen Ismaaciil Yuusuf,Mudane Maxamuud Jaamac Cilmi iyo Xildhibaan  Jaamac Xassan Aadan ayaa dhinacooda caddeeyay inay taageeran san yihiin Talo bixinta Gudi Hoosaadka Dhaqaalaha,Ganacsiga iyo Maaliyada ee Golaha Wakiilada oo ay Xuseen inay si maan gal ah isugu Miisaameen Xeerka ay Xukuumadu u soo Gudbisay iyo Kaabista ay ku sameeyeen.

Mudanayaasha Kale ee Fadhigii Maanta dooda Xeerkan ka dhiibtay waxaa ka mid ahaa  Xil: C/laahi Xuseen Cigeh, Mudane Xiriir Siciid Bulaale, Xildhibaan Ibraahim Caraale Cabdi iyo Mudane Siciid Cilmi Rooble.

 

Gebo Gabadii fadhigaas ayaa Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu waxa uu Xildhibaanada ku Wargaliyay inay  halkaa kasii socon doonto dooda Xeerka Takaaliifta Amniga Madaaraddu,Isla markaana ay sii ambo qaadi doonaan maalinta berito.

Hargaysa SDN.

Comments are closed