Gudoomiyaha Bisha Cas ee Somaliland oo tababar u furay Madaxda iyo Hawl wadeenada Hay’adaas.
Hargaysa 27.Jan (SDN)
Gudoomiyaha Bisha ee Somaliland Axmed Cabdi Bakaal, ayaa maanta shir howleed socon doona muddo shan maalmood ah uga furay huteel maansoor ee magaalada hargeysa, gudoomiyayaasha iyo howl-wadeenada Ururka Bisha Case ee gobolada dalka, kaasi oo lagu falan qayn doono howlaha mashaariicda Ururka bisha case ee sanadkan 2013.
Gudoomiyaha Ururka Bisha Case e Somaliland Axmed Cabdi Bakaal, oo furitaankii kulanka ka hadlay ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyey ujeedada kulankan loo qabtay iyo wax-yaabaha lagu lafa guri doono mudada uu socdo.
Waxaanuu Gudmiyaha ururka Bisha Cas ee S/land Axmed Cabdi Bakaal uu xusay in howlaha ururka bisha case sanadkan u qorshaysani ay ka badnaan doon sidii hore. Waxa kale oo uu tilmaamay in kulankan lagu eegi doono sidii wax looga ogaan lahaa mashruuca ku wajahan dhinaca baahiyaha aasaasiga ah ee dadka iyo sidii baahiyahaasi wax looga qabtay si ay dadku ugu xasili karaan deganaanshahooda.
Gudoomiyaha oo ka hadla kulan howleedkan iyo waxyaalaha lagu baran doono,ayaa sheegay in mashruucani uu bilaabmi doono lix bilood ka dib, hase ahaatee saddexda bilood ee hore ay tahay sidii diyaar-garow loo samayn lahaa, iyada oo Gobol kasta la ogaanayo baahiyaha yaala , ka dib marka xog-taasi gobolada ee dadka laga soo ururiyo la dhamays tiro howsha la guda geli doono.
Gudoomiyaha Bisha Cas ee S/land Axmed Cabdi Bakaal, wuxuu kuladar-daarmay ka qayb galayaasha kulankan in mudada uu socdo si wanaagsan looga faa’iidaysto macluumaadka lagu qaadanayo.
Hargaysa SDN.