Booliska Soomaaliyeed oo maanta soo bandhigay Nin gacan ku dhiigle ah
Muqdisho Jan 27 2012 (SDN)— Saraakiisha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta soo bandhigay gacan ku dhiigle horay fal dil ah Magaalada Muqdisho uga geestay kadibna dalka dibadiisa u baxsaday.
Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Generaal Shariif Sheekhuna Maya oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ugu suuragashay inay soo qabtaan C/raxmaan Ciise Axmed oo horay qof shacab ah ugu dilay Muqdisho.
Shariif Sheekuna maya ayaa sheegay in Booliiska Soomaaliyeed ay ay gacanta kusoo dhigaan gacan ku dhiiglahaasi kaasi oo laga soo qabtay Koonfurta Suudaan maantana Muqdisho laga soo dejiyay.
Wuxuu sheegay in ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ay kamid yihiin Booliiska Interbool aysana jirin cid gacan ku dhiigle ah oo ka fakan karta Dowladda Soomaaliya.
Dhanka kale taliska ciidanka Booliiska ayaa wuxuu soo bandhigay rag lagu eedeynayo Ururka Al-Shabaab iyo sidoo kale rag kale oo lagu eedeeyay dhaca dadka shacabka oo isugu jira ciidan iyo kuwa dareeska wax ku dhici jiray.
Raga Shabaab ayaa waxaa loo gudbiyay hay’adda dambi barista CID halka sidoo kale kuwa ciidanka la sheegay in loo gudbinayo maxkamada ciidamada si ay tallaabo uga qaado.
Guud ahaan raga lagu eedeeyay Shabaab iyo sidoo kale kuwa dadka dhici jiray ee ciidanka ka tirsan ee maanta lasoo bandhigay ayaa tiradooda waxa ay gaaraysa 25-ruux kuwaasi oo dambiyo kala duwan ku eedeysan.
SDN-Muqdisho