|

Q/M: Muwaadiniin ka soo jeeda dalka Britain oo la sheegay in ay xiriir ku lug leeyihiin Afduubyada ka dhaca Somaliya

London Jan 27 2013 (SDN)— Sida laga soo xigtay Wargeyska The Times of London  qeyb kamid ah warbixin qarsoodi ah oo ay Qaramada Midoobay diyaarisay ayaa waxa ay muwaadiniin British ah la xiriirinaysaa Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida.

Wargeyska ayaa sheegaya in warbixintii 2012kii ay soo saartay kooxda lasocodka xaaladaha cunaqabteen ee Soomaaliya iyo Eritrea qeyb kamid lagu xusay ganacsade British ah oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, kaasi oo la tilmamaay in uu dowrmuhiim ah ka qaatay abaabuka afduub burcad badeedu ay sameeyeen 2009kii.

The Times of London oo soo xiganayay nuqlkaas qarsoodiga ha ayaa sheegay in Ninka ganacsadaha ah uu mas’uul ka yahay koox qaabilsan qafaalka iyo afduubka, islamar ahaantaana uu si toos ah ugu lug lahaa afduubkii loogeystay lamaanayaashii British-ka ahaa ee Paul iyo Rachel Chandler, kuwaasi oo muddo 13-bilood ah lagu heystay Soomaaliya.

Paul iyo Rachel Chandler ayaa lacago madaxfurasho lagu soo daayay sanadkii 2010kii.

Wargeyska The Times of London  ma uusan sheegin magaca ganacsadahan la sheegayo in uu xiriir la leeyahay burcad badeeda islamarkaana uu ka shaqeeyay qafaalashada maraakiib iyo muwaadiniin u dhalatay wadanka Britain.

SDN-London

Comments are closed