Maryan Qaasim oo baaq u dirtay Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa
Muqdisho Jan 27 2013 (SDN)— Wasiirka Adeega Bulshada Xukuumadda Soomaaliya Maryan Qaasim Axmed oo la hadashay warbaahinta ayaa waxa ay sheegtay in dhaqaatiirta Soomaliyeed ee dalka dibadiisa ku maqan inay dalka dib ugu soo noqdaan.
Maryan Qaasim ayaa sheegtay in dhaqaatiirta dalka dibadiisa wax ku bartay aqoontooda ay ubaahan yihiin shacabka Soomaaliyeed islamarkaana iminka dib udhis ballaaran uu ku socdo isbitaalka digfeer.
Waxa ay sheegtay in dhismaha Isbitaalka dhawaan lasoo gaba gabeynayo dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee dalalka caalamka ku suguna ay ugu baaqayso inay dalka yimaadaan si aqoontooda ay shacabka ugu faa’iideestaan.
Isbitaalka Digfeer oo dhawaan ay tilmaamay in la dhameynayo dhismihiisa oo iminka Dowladda Turkiga ay gacanta ku hayso ayaa waxa ay sheegtay inuu yeelan doono qeybo badan oo muhim ah.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa iminka ku dadaalaysa wax ka qabashada goobihii muhiimka ahaa ee dagaaladii sokeeye ku burburay oo iminka dib loosoo nooleeynayo.
SDN-Muqdisho