Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadashay hoos u dhaca ku yimid doolarka Maraykanka
Muqdisho Jan 27 2013 (SDN)— Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa ay ka hadashay qorshaha kaga aadan hoos udhaca sarifka Suuqyada Magaalada Muqdisho oo maalmahan dambe si aad ah loo dareemayo.
Wasiirka Maaliyada iyo qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Suleymaan Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hoos udhaca sarifka kuyimid ay aad uga xun yihiin.
Wuxuu sheegay in sababaha keenay isbedelka sarifka suuqyada Magaalada Muqdisho ay tahay in lacagtii shilinka aheyd ay yaraatay isaga oo sheegay inay sameynayaan waxa ay ka qabaan karaan.
Wasiirka maaliyada ayaa sheegay inay sameyn doonaan daraasad ku aadan soo gelinta lacago cusub oo ay Dowladda keento si wax looga qabto sarifka suuqyada Muqdisho isbedbedelkiisa.
Maalmahan dambe ayaa waxaa Magaalada Muqdisho si aad ah looga dareemaya hoos udhac dhanka sarifka suuqyada Magaalada Muqdisho iyadoo maciishada aysan laheyn wax isbedel ah.