|

Halkan ka Akhriso Warbixintii Gudi hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Somaliland kaga Warbixiyeen Xeerka Amniga Madaarada.

Hargaysa 26.Jan.(SDN) Gudoomiyaha Gudida Maaliyada,Dhaqaalaha iyo ganacsiga ee Golaha Wakiilada ee Somaliland Xildhibaan Maxamed Maxamud Cumar Xaashi ayaa fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada waxa uu ka hor jeediyay warbixin ay Gudidiisu ka diyaarisay Xeerka Takaaliifta Amniga Madaarada oo ay Golahooda u soo Gudbisay Xukuumadu.

Hadaba waxaan halkan idiinku soo Gudbinaynaa Nuqul ka mid ah Warbixintii Gudoomiyaha Gudida Dhaqaalaha oo u dhignayd Sidan:-

Jamhuuriyada Somaliland

Golaha Wakiilada

Gudida Dhaqalaha, Maaliyada iyo Ganacsiga

Liifaaqa Xeerka Takaaliifta Amniga Madaarada.

Qodobka 4aad

Takaalif

Qodbka 4aad oo u qornaa sidan:-

Waxaa ku waajib ah dhoofe kasta oo sita tidhig diyaradeed ,isla markaana leh kursi iyo miisaan u gaar ah in uu bixiyo takaaliif lacaged oo dhan tobon dollar.

Ayaa waxay guddidu kusoo dareen:

Waxaa ku waajib ah dhoofe kasta oo sita tigidh diyaaradeed isla markaana da’diisu tahay 15 iyo wixii kaweyn, lehna kursi iyo miisaan u gaar ah inuu bixiyo takaaliifta lacageed oo dhan $10 (toban dollar).

Qodobka 5aad

Gacan ku haynta adeegyada iyo ururinta takaaliifta

 

Qodobka 5aad oo odhanaya:-

Gacan ku haynta ururinta Takaaliifta iyo adeega amniga Madaarada ee la xidhiida qalabka lagu baadho shandadaha, shaqalaha iyo socotada waxaa ka mas’uul ah xukuumadda waxanay u igman kartaa cidii ay u garato eek u habboon.

Waxay guddidu ka saareen : inta danbe ee u qoran (u igman kartaa ciddii ay doonto. Waxaanay u dhigtay guddidu qodobkan sidan.)

Gacan ku haynta takaaliifta iyo adeegyada amniga madaarada ee la xidhiidha qalabka lagu baadhayo shandadaha, shaqaalaha iyo socotada, waxaa masuul ka ah xukuumada

Qodobka 5aad farqadiisa 2aad , gudidu way ka saartay dhamaanteed.

Qodobka 6aad

Uruurinta iyo qaab-xisaabeedka Takaaliifta.

 

Qobodkan farqadiisa 2aad waxa uu u dhignaa sidan:

Habka bixinta kharashaadka waxa jaangoynaya Wasaarada Maaliyada Wasaarada Duulista iyo Hawada iyo Shirkada gacanta ku haysa.

Waxay ka sareen shirkada gacanta ku haysa. Waxay u dhigeen guddidu sidan:

2. Habka bixinta qarashaadka waxaa jaangoynaya wasaarada maaliyada iyo wasaarada duulista iyo hawada

Qodobka 7aad

Awoodaha hanti dhawraha guud ee qaranka.

 

Qodobkan oo odhanaya:-

Iyadoo aan waxba loo dhimayn awoodaha Hanti- dhawraha Guud ee ku xusan xeerka hanti-dhawrka Guud iyo kuwa kale ee xeerarka dalku jideyeen Hanti dhawraha guud wuxuu awood u leeyahay baadhista iyo dabagalka takaaliifta.

Waxay gudidu u dhigeen sidan

Hanti dhawraha qaranku waxa uu awood u leeyahay daba galka iyo baadhista takaaliifta uu xeerkani jideeyay si waafaqsana xeerka hanti dhawrka guud.

Qodobka 9aad

Dhaqan-galka Xeerka.

Xeerkani waxa uu dhaqan galayaa marka golaha wakiiladu ansixiyo , madaxweynuhuna saxeexo isla markana lagu baahiyo faafinta rasmiga ah.

Waxay gudidu ka saartay :isla markana lagu baahiyo faafinta rasmiga ah iyagoo u dhigay sidan

Xeerkani waxa uu dhaqan galayaa marka golaha wakiiladu ansixiyo , madaxweynuhuna saxeexo.

Hargaysa SDN.

Comments are closed