Golaha Deegaanka ee Degmada Gebilay oo ansixiyay Xeer hoosaadkii ay ku Wada Shaqaynayeen.
Hargaysa 26.Jan.(SDN) Golaha Deegaanka ee Degmada Gebilay ayuu maanta si rasmi ah ugu furmay Kalfadhigoodii 4aad,Waxaana lagu ansixiyay laba iyo Sodon qodob oo uu ka kooban yahay Xeer hoosaadka ay ku Wada Shaqaynayaan Mudanayaasha Golaha Deegaanku .
Fadhigan oo ay ka soo xaadireen Kow iyo Labaatanka Xildhibaan ee uu ka kooban yahay Golaha Deegaanka ee Degmada Gebilay waxaa Shir Gudoominayay Maayarka Magaaladaasi Shucayb Maxamed Muuse waxaanay Xildhibaanadu dood dheer ka dib cod u qaadeen Xeer hoosaadka ay ku Wada Shaqaynayaan.
Maayarka Magaalada Gebilay ayaa codaynta kadib waxa uu sheegay in Xeer hoosaadkani uu salka ku hayo waxqabadka laga sugayo Golaha uu hogaamiyo isla markaana uu jidaynayo hanaanka ay shaqada u wada gudanayaan.
Hargaysa SDN.