|

Ciidanka Asluubta ee Gobolka Awdal oo soo bandhigay Waxqabad ay hirgaliyeen.

Hargaysa 26.Jan.(SDN)  Munaasabad lagu soo bandhigay agab lagu farsameeyey wershadda Ciidanka asluubta ee  qalabka guryaha iyo xafiisyada ayaa manta lagu qabtay xabsiga dhexe ee Magaalada Boorame.
Taliyaha ciidanka asluubta Somaliland Maxamed Xuseen Xiirane oo ka qayb galay munaasabadda ayaa sheegay in wershadani ka mid tahay qaybaha wax soo saarka ee ciidanka asluubta oo mudooyinkii dambe laga hawlgeliyey jeelasha waaweyn ee dalka.
Taliye Xiirane waxa uu tilmaamay in shaqooyinka noocan ah iyo wax soo saarka maxalliga ah ee maxaabiista dalku ay qayb ka tahay siyaasadda dhaqan celinta iyo tababarida xirafadeed ee maxaabiista, taasoo uu ku sifeeyey mid dhabbaha u xaadhaysa inay maxaabiistu marka ay dhamaystaan xiliga ay xukuman yihiin ay u suuro gasho inay farsamooyin shaqo ku xoogsadaan.

Gudoomiyaha Gobolka awdal Axmed xaddi Sidci oo isna munaasabadaas ka hadlkay ayaa sheegay inay taalaabo habboon u tahay maxaabiista iyo bulshada oo dhanba in maxaabiistu helaan fursado tababar isla markaana qalabka wershadu soo saarto ay gobol ahaan uga faa’iidaysan doonaan xarumaha dawladda ee Gobolka iyo degmooyinkiisa.

Mayorka Boorame saleebaan xasan Xaddi iyo taliyaha xabsiga Boorame ayaa iyaguna hadalo ay halkaa ka jeediyeen waxay ku faahfaahiyeen faa’iidada uu bulshada u leeyahay mashruuca noocan ah.

Hargaysa SDN.

 

Comments are closed