Golaha Wakiilada oo fadhigoodii Maanta ku dhagaystay Warbixinta Xeerka Takaaliifta Amniga Madaarada.
Hargaysa 26.Jan.(SDN) Fadhigii maanta ee golaha wakiilada Somaliland oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha golahaasi C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa mudanayaashu waxay warbixin ku saabsan xeerka takaaliifta ammaanka madaarada Somaliland ka dhegaysteen Gudoomiyaha Guddi hoosaadka dhaqaalaha ee Golahaasi Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar xaashi.
Gudidu waxay u badaleen qodobka 4aad ee Xeerkan oo u dhignaa “Waxaa ku waajib ah dhoofe kasta oo sita tidhig diyaradeed ,isla markaana leh kursi iyo miisaan u gaar ah in uu bixiyo takaaliif lacaged oo dhan tobon dollar” ,Gudida dhaqaaluhu wax ka badalka ay ku sameeyeen qodobkaas waxay u dhigeen Sidan, “Waxaa ku waajib ah dhoofe kasta oo sita tigidh diyaaradeed isla markaana da’diisu tahay 15 iyo wixii kaweyn, lehna kursi iyo miisaan u gaar ah inuu bixiyo takaaliifta lacageed oo dhan $10 (toban dollar).”
Sidoo kale Shanaad oo u dhignaa “Gacan ku haynta ururinta Takaaliifta iyo adeega amniga Madaarada ee la xidhiida qalabka lagu baadho shandadaha, shaqalaha iyo socotada waxaa ka mas’uul ah xukuumadda waxanay u igman kartaa cidii ay u garato eek u habboon.
Waxay guddidu ka saareen : inta danbe ee u qoran (u igman kartaa ciddii ay doonto. Waxaanay u dhigtay guddidu qodobkan sidan.)
Gacan ku haynta takaaliifta iyo adeegyada amniga madaarada ee la xidhiidha qalabka lagu baadhayo shandadaha, shaqaalaha iyo socotada, waxaa masuul ka ah xukuumada.
Warbixintan guddi hoosaadka dhaqaalaha ee Golaha wakiilada oo ku koobnayd faahfaahinta xeerkaasi oo ah mid ay golaha xukuumaddu ansixiyeen isla markaana wasaaradda duulista hawadu soo hordhigtay golaha wakiilada ayaa waxay gudidu faahfaahintooda ku dareen in goluhu dood ka yeesho .
Golaha wakiilada Somalilandi ayaa maalinta berito gudo geli doonaan ka doodista xeerkan Takaaliifta Amniga Madaarada dalka oo ay Wasaarada Duulista iyo Hawadu u soo gudbisay Golaha Wakiilada,kadib markii ay soo ansixiyeen Golaha Wasiiradu.
Hargaysa SDN.