Madaxweyne Xasan Sheekh oo u duulay Magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Ethiopia
Muqdisho Jan 26 2013 (SDN)– Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u duulay Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia halkaasi oo la filayo in uu kaga qeybgalo shir Madaxeedka Africa ee halkaasi ka furmi doona.
Maxamed Nuur Gacal Wisiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qorsheyn Xukuumadda Soomaaliya oo saxaafadda kuala hadlay Garoonka diyaaradaha Muqdisho markii uu duulay Madaxweynaha ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu ka qeybgalay shirka Madaxda Africa ee ka furamaya Xarunta Addis Ababa.
Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu la kulmo madax African ah inta uu socdo kulanka Madaxda Africa waxana uu Wasiiru dowlaha intaasi ku daray in Ajandayaasha ugu waaweyn ee shirkaasi looga hadli doono ay ka miyihiin Arrimaha Soomaaliya.
Wasiiru dowlaha ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynuhu uu sidoo kale ka qeyb gali doono shir ka dhici doona dalka Biljimka oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ay ka soo qeyb galidoonaan madax ka socota Midowga Yurub.
Maxamed Nuur Gacal ayaa ugu danbeyntii sheegay in Madaxweynuhu uu ka qeyb galidoono shir wadamada Islaamku ay yeelan doon maalmaha soo aadan.