Ahlu Sunna oo soo dhaweysay Aqoonsigii Marayku uu u fidiyaya dowladda Soomaaliya
Muqdisho Jan 26 2013 (SDN)– Ururka Ahlusuna ayaa shaaca ka qaaday inay soo dhaweynayaan aqoonsiga Dowladda Mareykanka uu aqoonsaday dalka Soomaaliya muddo 22-sano kadib.
Sida uu warbaahinta usheegay Guddoomiyaha Guud ee ururka Ahlusuna Sheekh Macalin Maxamuud Xasan Faarax aqoonsiga Dowladda Mareykanka ayuu sheegay inay tahay arin soo dhaweyn leh oo ku aadan in dhanka siyaasada ay dib ubilaabato xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka.
Wuxuu sheegay Guddoomiyaha Ahlusuna in Soomaaliya ay ubaahan tahay Dowladda cadaalad ah isaga oo sheegay in marwaliba muhiim tahay in lahelo Dowladd caadil ah.
Sheekh Macalin Maxamuud Xasan Faarax ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay tahay dowladd caalami ah oo jirta aqoonsina iminka aysan helin balse aqoonsiga Mareykanka uu yahay mid ku aadan in dib loo bilaabayo xiriirkii Soomaaliya iyo dalka Mareykanka dhanka diblumaasiyada.
Dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya dhawaan aqoonsatay muddo 22-sano kadib oo Soomaaliya dagaalo ay ka socdeen balse iminka u muuqato mid xoogaa kasoo roonaaneysa.
SDN-MuqdishoÂ