|

Rwandaoo si dirqi ah guul kaga gaaray Xulka Kubada Kolayga Soomaaliyeed

Darisalam Jan 26 2013 (SDN)– Xulka kubada Kolyga DalkaRwandaayaa u soo gudbay Finalka Koobka FIBA Afrika Zone 5 kadib markii si dirqi ay ugu adkaadeen Soomaaliya.

Xulka dalkeena ayaa dadaalay oo hogaanka u hayay Ciyaarta wax badan balse usha ayaa u dhacday dhankaRwanda.

Maxamad Xaaji oo ahaa Xidig Fir fircoonaa ayaa ka jabay Xulka dalkeena taas ayaana ugu wacan inay dib u dhacaan.

Ciyaarta waxaa xiiso usii yeelay hambalyadii uu u diray Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ciyaaryahanada Soomaaliya eeTanzaniajooga.

Bilowgii qeybtii hore waxaa Ciyaarta hogaanka u haysayRwandahayeshee markii dambe ayey wax is badaleen ooRwandala jahwareeriyay Islamarkaana Xidigaha dalkeena dheesha garoonka iyo Hogaanka Ciyaarta la wareegay walow isbadal uu dhacay.

Xidigaha dalkeena ayaa muujiyay dadaal weyn taas waxaa qirsan MacalinkaRwandaiyo shacabka reerTanzania,waana la ogaa wixii ay dhigeen xidigaha sooma jeestanka ee dalkeena.

Natiijada Ciyaarta

SOOMAALIYA 83

RWANDA86

XulkaRwandaayaa Finalka waxaa ay la ciyaarayaan Xulka Masar oo 88-41 kaga soo badiyay xulkaKenya.

Maanta ayeyna dhaceysaa ciyaarta kama danbeysa ee loogu soo baxayo koobka qaramada Afrika ee kubada kolayga, saacada Afrikadabarimarka ay tahay 8pm.

Xulka dalkeena Soomaaliya ayaa dadaalay intii uu tartankaan socday, waxaana ay Group B kaga soo baxeen kaalinta koowaad iyagoo garaacay wadamadaKenyaiyoBurundi. Taageerayaasha Soomaaliyeed ayaana muran la’aan u arko Xidigaha dalkeena inay yihiin geesiyaal howl qaran qabtay.

Soomaaliya kama aysan ka qeyb galin ciyaarahaan dhowr sano,markii ugu horeysana ciyaaro lala dhacay ayey sanadkan ku soo bandhigeenTanzania,hadaba waxaa laga fishaa Mustaqbalka dhow ayaa ah in Koobka Ciyaarahan ay u soo hooyaan Soomaaliya.

Comments are closed