|

Kuuriyada Woqooyi oo u Hanjebtay Mareykanka iyo Koonfur Kuuriya

Pyongyang Jan 26,2013(SDN)-Dawlada dalka Woqooyiga Kuuriya ayaa hanjaabdyo ka soo yeerayay labadii maalmood ee u danbeeyay waxa ay ku wejehnaayeen dalalka Mareykanka iyo Koonfur Kuuriya.

Woqooyiga Kuuriya ayaa caro kaga jawaabay cunaqabateyno dheeri ah oo ay Gollaha Amaanku ku soo rogen dalka Woqooyiga Kuuriya ka dib klkii dalkaasi uu hawada u diraay mid ka mida gantaalada ridada dheer oo uu tijaabinayay.

“Waxaanu iminka dardar gelineynaa tijaabada Hubka Nuclearka iyo gantaalada ridada dheer si aanu Mareykanka isga caabino” ayaa lagu yiri qoraal Khamiistii ka soo baxay dawlada Woqooyiga Kuuriya.

Shalayna waxa ay soo saareen war ay ugu hanjabayaan dalka ay dooayaan in ay dib ulamidoobaan ee Koonfurta Kuuriya.

“Koonfur Kuuriya waxaan uga digeynaa in aaney ka qeybqaadan fulinta goaamada QM ee cunaqabateynta,hadii aaney dooneyn in jawaab ay muteysato”ayaa lagu yiri hanjabaada Woqooyiga Kuuriya.

Koonfur Kuuriya ayaa hanjebaada uga jawaabtay in Woqooyigu ku ekaado uun ka hadalka waxa iyaga dhibaya ee aaney colaad ka soo nooleyn gacanka Kuuriyada.

Ergeyga Mareykanka ee Kooriyada Woqooyi Glyn Dafeis ayaa sheegay in Mareykanku eegayo tilaabooyinka ay Woqooyigu qaadaan ee aanu eegi doonin hadalada ka soo yeeraya.

SDN-Pyongyang

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed