|

Ciidamada Maali iyo Faransiiska oo Meliishaadka Islamiga ka saaray Hombori

Hombori Jan 26,2013(SDN)-Ciidamada Huwanta ee Maali iyo Faransiiska ayaa weeraro ay ku qaadeen degaanada Woqooyiga dalkaasi waxa ay uga saareen meliishaadka Islamiga ah ee ka arrimiya aagaasi.

Magaalooyinka Hombori iyo Gao oo ah kuwa ugu waaweyn woqooyiga ayaa gacanta mudo hada ugu jiray meeliishaadka Islamiga ah.

Ciidamda Huwanta ayaa haatan gebi ahaanba ka saaray meliishaadka Islamiga ah magaalada Hombori oo 120 km u jirta Gao.

Wararku waxa ay sheegayaan in duyuuradaha dagaalka ee Faransiisku in ay durba duqeyn ku bilaabeen magaalada Gao oo ay isku urursadeen meliishaadka Islamiyiinta.

Meeliishaadka Islamiyiinta ayaa inta badan magaalooyinka waaweyn ee Maali hore gacanta ugu dhigay kana hirgeliyay shuruuc adag oo asal raac ah.

Halka ciidamda reer galbeedku tababreen ayaa iyaga la sheegay in ay xasuuq aargoosi ah u geysteen beelaha aageera melishaadka Islamiga ah.

Ciidamo fara badan oo caalamka ka socda ayaa haatan isku urursanaya dalalka Maali jaarka la ah oo isu diyaarinaya in ay ka qeyb qaataan dagaalka dib loogu riixayo Islaamiyiinta.

Ilaa toban kun oo ruux ayaa dalalka jaarka la ah Maali u qaxay intii ka danbeysay faragelintii ay ciidamada Faransiisku ku sameeyeen Maali,sida ay Qaramada Midoobey ShaacisayƩ

SDN-Hombori

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed